Madaxda kubadda cagta ee Laatiin Ameerika ayaa sheegay in eedaha ah in ay su’aal ka taagan tahay hufnaanta Copa America ay tahay kuwo aan “sal lahayn” iyo “inay ka dhigan tahay xushmo darro”.
Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa ku andacooday in tartankaasi uu “musuq” hareeyay kaddib markii kaarka cas loo taagay ciyaartii ay 2-1 uga badiyeen xulka Chile kaas oo ay ku tartamayeen kaalinta saddexaad ee tartankaasi.
“Koobka waxaa loogu talagalay inay qaaddo Brazil,” ayuu ku daray.
Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina ayaa waxa uu ka cadway “khaladaad waa weyn oo ay garsoorayaashu gaysteen” kaddib ciyaartii 2-0 ay Brazil xulkooda kaga adkaatay nus dhammaadka Copa America ee ay Brazil martigalinayso.
Messi ayaa waxaa loo taagay kaarka cassaanka ah daqiiqaddii 37-aad ciyaar uu xulkiisa la lahaa xulka Chile, markaas oo ay isku dhaceen Gary Medel, kaas oo sidoo kale ciyaarta laga saaray.
“Ma ahan inaan qeyb ka ahaanno musuq maasuqaas,” ayuu yiri weeryahanka kooxda Barcelona. “Xushmad darro ayey noo muujiyeen intii uu tartankan socday.
“Nasiib darro, musuq maasuqa garsoorayaasha waxa uu horseeday in dadku aanay ku raaxaysan kubadda cagta, waana ay baabi’iyeen.”
Xiriirka kubadda cagta ee Laatiin Ameerika ee Conmebol ayaa waxa uu soo saaray bayaan uusan toos uga hadal Messi kaas oo lagu sheegay: “Ciyaar wanaagsan waxaa tiir asaasi ah u ah in si daacadnimo iyo qadarin ah lagu aqbalo natiijooyinka.



