Heshiiska uu Timo Werner ugu wareegayo Chelsea ayaa si kama ah waxaa Instagram ugu xaqiijiyay ciyaaryahan u dheela kooxda Blues.
Da’ yarka Stamford Bridge, Armando Broja ayaa u muuqday mid ay ka soo fakatay xaqiijinta heshiiska isagoo si toos ah ugu jira Instagram Live.
18 jirkaan ayaa yiri: “Waxay ila tahay imaanshaha Werner? Waxaan qabaa Werner inuu yahay ciyaaryahan xaqiiqdii aad u fiican.
“Waa nin orod badan, xoogan, wuxuuna dhalin karaa goolal badan.
“Wax badan ayaan ka daawaday YouTube, aad ayuu u fiican. Waa saxiix aad u wanaagsan sida ay ila tahay.”
Xiddiga reer Albania Broja ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Premier League saftay horaantii xilli ciyaareedkan isagoo ka horyimid Everton.
Werner ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo inuu yahay ciyaaryahan Chelsea ah mustaqbalka dhow isagoo ku soo wareegaya 54 milyan ginni.
Blues ayaa saxiixiisa ka dulqaaday kooxda horyaalka u sharaxan ee Liverpool iyadoo heshiiska ay ka harsan tahay kaliya in la isku raaco waqtiga la saxiixayo.
Tababaraha Anfield Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inay niyada siin weysay inuu lacag intaas la eg ku qarashgareeyo ninka ay isku wadan yihiin xilli shaqaalaha kooxda ay wajahayaan mushahar dhimis.
Kooxda Galbeedka London ka dhisan ayaa geed dheer iyo mid gaaban u kortay sidii ay uga dhaadhicin laheyd 24 jirka Jarmalka in mustaqbalkiisa uu yaala Stamford Bridge.



