Ciyaartooyda Barcelona Oo Hurdada Ka Qasay Maanta Mourinho

Barcelona ayaa gaaray magaalada Manchester ka hor kulanka ay la leeyihiin City waxaana ay kusoo aadeen xili Jose Mourinho hurdayay.

Pep Guardiola ayaa mar kale wajihi doona kooxdiisii hore laba Isbuuc ka dib markii ay 4-0 ku qariyeen garoonka Camp Nou.

Laakiin kooxda Luis Enrique ayaa sii joogi doona hoyga Special One inta ay ka gaarayaan kulanka adag ee ka dhanka ah kooxda Manchester City.

Leo Messi iyo saaxiibadiisa ayaa soo gaaray Lowry Hotel ka hor kulanka ay la leeyihiin kooxda ka dhisan Etihad Stadium, waxaana Hotelkaan dagan tababaraha United Jose Mourinho, kaaasoo xifaaltan adag la galay intii uu macalin u ahaa Real Madrid, laakiin nasiib darro macalinka ayaa hurdayay markii ay ciyaartooyda Barcelona soo gaareen Lowry Hotel.