Xidig reer Argentine Ah ayaa biyo kulul dhexda uga jira kadib markii uu soo koobiyeeyay hab dhaqankii Eric Cantona kaas oo horey qof taageere ah u haraatiyay 21 sano ka hor.
Laacibkii hore ee Man United ayaa ku kacay fal caan baxay bishii Janaayo sanadkii 1995-tii xiligaas oo uu haraati la dhacay Matthew Simmons oo ka mid ahaa jamaahiirta kooxdda Crystal Palace waxaana la ganaaxay 8 bilood.
Habeenkii lasoo dhaafay Sebastian Pol ayaa holac isku shiday waxaana caradii ka tan badisay ay sababtay in uu haraatiyo cunug yar oo taageere ah intii uu socday kulan kooxdiisa lagu garaacay 4-1.
Kaamirada ayaa muujisay 28 jirkaan oo wajiga haarti uga dhufanaya wiilkaan yar ciyaartii u dhaxeysay Audax Italiano iyo Universidad Catolica.
Polo oo Argentine u dhashay waxaa hada lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.
Jariirada O Globe ee Brazil waxaa ay sheegtay in laacibkaan uu raali galin u diray wiilka yar iyo qoyskiisa iyo dhamaan bahda ciyaaraha isagoo sheegay inuu ka shalaynaayo wixii uu sameeyay.



