City iyo Bayern oo ku dagaallamaya saxiixa laacib ka tirsan Napoli

Kooxaha kubadda cagta ee Manchester City iyo Bayern Munich ayaa si aad ah u baacsanaya laacibka kooxda Napoli khadka dhexe kaaga ciyaara ee Allan, balse kooxda ka dhisan dalka Italy ayaa caddeysay inuusan ciyaaryahankan iib ahayn.

CalcioNapoli24 ayaa waxa ay werrineysaa in Napoli aysan soo gaarin weli wax dalab ah, balse labada kooxood rabitaankooda uu yahay mid ay soo bandhigeen.

Laacibka reer Brazil ayaa waxa uu dhowaan qandaraaska uu kula jiro kooxdan waxa uu gaarsiiyay illaa June 2023, waxaana sanadkii uu mushaar ahaan u helaa €2.5m.

Carlo Ancelotti ayaa u dagaallamaya sidii laacibkan uu nagi kaga sii dhigi lahaa, waxaana xusida mudan in Allan bandhiggiisa uu yahay mid aad u sarreeya oo soo jiitay kooxaha waaweyn ee qaaradda Europe.

Qaab ciyaareedka awoodda ku dhisan ee Allan ayaa waxa ay dhalisay in markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan loogaga yeero xulkiisa qaranka Brazil.

Cityzens ayaa waxa ay baadi goob ugu jiraan beddelka Fernandinho, kaasoo ku jira waayihiisii ugu dambeeyay ee Etihad, waxaase cadaadis ay kala kulmeysaa Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ku ciyaarta San Paolo ayaa caddeysay inuusan xiddiggan iib ahayn, isla markaasna aysan fasixi doonin xilligan.