Ciraaq oo ku hanjabtay inay ka baxayso isbahaysiga Maraykanka ee ka dhanka ISIS

Ciraaq ayaa dhaleecayn xooggan u jeedisay Maraykanka, ka dib weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee ku sugan dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Ciraaq ayaa weerarkan ku tilamaamay inuu ahaa, “shirqool loo fuliyey si ula-kac ah” oo muujinaya “inaan wax dan ah laga lahayn shacabka iyo shuruucda caalamiga ah”.

Yaxya Rasool oo ah afhayeenka xafiiska ra’iisal wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ay Ciraaq u joogeen inay ka hortagaan kooxda ISIS “Hase ahaatee ay si joogto ah u weecinayaan ujeedooyinkii ay dalkan u joogeen”.

Yaxya Rasool ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintani ay ku khasbayso xukuumadda Ciraaq inay soo afjaraan ujeedada isbahaysiga, kaasoo haatan noqday mid sabab u ah xasilooni darro, isla markaana Ciraaq ku riixaya inay ku dhex milanto colaadda.