Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay magaalada Baydhabo, kadib markii xalay gudaha magaalada Baydhabo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada taabacsan Lafta gareen iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamadaasi lagu arkay xaafado iyo waddooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Xanaano, Al-Faras iyo waddada 30-ka, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga hadal hayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Gaarka ah ee KGS ee Taabacsan lafta gareen ayaa waxaa ay war ka soo saareen dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli gobolka ay ka jiraan murano siyaasadeed iyo loollan xooggan oo ku saabsan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada isku haya siyaasadda ay wadaan abaabulo iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.



