Ciidanka Kenya oo dad horleh ka kaxeystay degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ay markale dad Shacab ah ka kaxeysteen degaano ka tirsan degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ilaa Afar Ruux ay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo kenya u qaabilsan waxa loogu yeero argagaxisada ay ka kaxeysteen degaanka Daaru-salaam meel u dhow Tuulada Kuntun, isla markaana la la’yahay halka ay la aadeen.

“Ragga ay kaxxeysteen Ciidamada Kenya Afar qof oo mootooyin watay ayay ahaayeen,waxaa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa daaru-salaam iyo Kuntun, mootooyinkii waa ay ka qaateen waana ay wateen ayuu yiri” qof kamid ah dadka ku nool degaanka daaru-salaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dadka ay Ciidamada Kenya kaxeysteen oo ehelladooda ay baadi-goob ku hayaan ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdifitaax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afeey.

23-kii Bishaan ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay degaanka Yadoo oo hoostaga degmada Ceelwaaq ku dileen hal Ruux halka Saddex kale ay kaxeysteen oo mid kamid ah ay markii dambi dileen soona dhigeen medykiisa duleedka degmada Ceelwaaq.

Qaar kamid ah Shacabka degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan falka ay geysteen Ciidamada Kenya, hayeeshee xilli ay banaanbax ka dhigayeen duleedka Beled-xaawo ayaa waxaa rasaas ku furay Ciidamada Kenya taas oo keentay in Ciidamada Dowladda ay geysay degmadaas iyo kuwa Kenya in uu dagaal khasaaro geystay uu dhexmaray.

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dadka Ciidamada Kenya ay dileen qaarka ay kaxeysteen ayaa u saaray Guddi ka kooban Shan Xubnood, si ay u soo baaraan falkaasi, balse markale ay Ciidamada Kenya dad horleh kaxeysteen.