Ciidanka dowladda oo sheegay in ay dileen Sarkaal Shabaab ka tirsan

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ka dib markii ay dhowr jiho ka wareereen Al-Shabaabka ku sugan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in Howlgalka lagu dilay Gudoomiyihii Al-shabaab ee degaanka Mubaarak iyo tiro ka tirsan xubno ka la socday.

Sidoo kale Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Howlgalka ku bur buriyeen gaari Hoomey ah oo Al-Shabaab ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa sidda lagu sheegay warka aksoo baxay Danab.

Sarkaalka lagu dilay howlgalkaasi ayaa lagu magacabaa Sheekh Cabdullaahi Gaare oo ahaa gudoomiyihii degaanka Mubaarak.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaan Ciidanka dowladda ay sheegeen in ay ku dileen Gudoomiyihii Shabaab ee degaanka sidoo kalena ay ku fashiliyeen gaari Qarax siday.