Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa labo ruux ku dilay Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Labada ruux ee dilay waxaa ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Cabdi Shakuur Maxamed Ibraahim.
Dilka waxaa geystay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in dilka ka hor uu jiray Muran labada dhinac ah.
Ciidanka Booliska ayaa xarunta CID keenay Meydka labadda ruux, waxaana ay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan.
Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay labaddaan ruux.



