Ciidanka Dowladda oo fuliyey howlgal gaar ah

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabararan ee Gorgor ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen deegaanka Ceel-Saliini iyo deegaannada ku dhow dhow ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid ay ku doonayaan inay Shabaab kaga saaraan deegaano hoostaga Magaalada Marka.

Taliyaha Ururka Gafdiid ee Kumaandooska Soomaaliya Dhamme Muxudiin Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ay Howlgalkooda kasoo hooyeen guulo waaweyn,isla markaana deegaano kula wareegeen.

Waxaa uu sheegay in howlgalkoda uu noqon doon mid ay sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin deegaannada & degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.