Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyay degaano hoos yimada Hobyo

Ciidanka Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug kusoo qabaty dhowr ruux oo sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu ahaa Mid qorsheysan , islamarkaana Ciidanka howlgalka fuliyay ay kasoo ruqaansadeen Saldhigooda Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Danab qeybta Galmudug ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay lagu sameyn doono baaritaano.

Ciidanka ayaa hadda ku sugan degaano ka mid ah ku yaalla Aaga degmada Hobyo, waxaana ay sheegeen in ay sii waddi doonaan howlgallada ka dhanka Al-Shabaab.