Ciidamada lumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16aad oo ay wehlinayeen Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo Wadajir ah ka fuliyay degaano kagiraan Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid Amniga lagu xaqiininayay ayaa Ciudamadu waxaa ay ka sameeyeen degaannada kala ah buurqaylo, warta bilow, maduulow, Cabdi Dhoore iyo beerxaani oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciudamada ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab si ay dadka ugu dhibaateeyaan.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa Al-Shabaab guud ahaan laga saarayo degaannada Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo uu Mareykanka taageero ayaa marwalba howlgallo kala duwan ka fuliya degaano kuyaalla Gobolada dalka halka mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.



