Ciidanka Ahlusunna oo dib ula wareegay Guriceel

Ciidanka Ahlusunna ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib markii maanta dagaal qaraar uu ka dhacay Magaalada .

Khasaare xoog leh ayaa ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Magaalada Guriceel.

Dadkii ugu dambeeyay ee kunoolaa Magaalada Guriceel ayaa iska baxay waxaana hada ku sugan kusoo haray dhinacyada Ciidamada dagaallamaya oo kaliyah.

Dagaalka galabta ayaa yimid markii Ahlusunna ay gurmad ka heshay ciidamo uu hoggaaminaayo Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ah madaxda Ahlusunna ay soo gaaree  Guriceel iyagoo gurmad u ah xoogagii Ahlusunna ee la dagaalamaya ciidamada Dowladda.