Ciidamo la wareegay Amniga Xarunta maamulka gobolka Banaadir

Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda u la wareegay xalay Ammaanka xarunta dowladaha Hoose ee Muqdisho ka dib markii la sheegay in halkaasi lagu doortay Gudoomiye Taabid Cabdi.

 

Xaruntan ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaaa oo si sharciyeysan halkaasi kaga howlgalay tan iyo Markii Maamulka Gobolka gacanta ku dhigay Gudoomiye Thaabit Cabdi.

Ammaanka Xarunta ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan ciidamo ka tirsan Nabad Suggidda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu Magacaabay maamulka gobolka Banaadir.