Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug maanta waxaa ka degtay Diyaarad ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, taas oo siday Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya.
Ujeedka Ciidankan ay u gaareen Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay sidii ay u ilaalin lahaayeen heshiiska nabadeed ee ay dhowaan kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horey ugu heshiiyay in Ciidamo kumaandoos ah la geeyo Magaalada Gaalkacyo, si ay u ilaaliyaan heshiiska nabadeed.
Magaalada Gaalkacyo mudo ka badan bil waxaa ku dagaalamayay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad aad u fara badan, sidoo kalena ku barakacay.


