Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland waddooyinkeeda waxaa lagu daadiyay Ciidamo farabadan oo Boolis ah, kuwaas oo sameeynaya howlgallo kala duwan.
Ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan halka mararka qaar ay soo dejinayaan dadka saaran Gaadiidka si ay u baaraan.
Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Hargeysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Caasimadda loogana hortegi lahaa burcad mararka qaar dhac geysata.
Howlgalka ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Magaalada Hargeysa oo muddo saacado ah hakad ku jiray.



