Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la geynayo Magalada Dhuusamareeb

Sawirka waa qaar ka mid ah Ilaalada Taliyaha Ciidamada AMISOM ee tegay Dhuusamareeb

Kadib kulan Maanta Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ay ku wada qaateen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Ticabu Yilma oo Maanta gaaray halkaas & Xubno uu ka mid yahay Wasiirka AmnigaSoomaaliya  ayaa waxaa la sheegay inay isku raaceen in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo Magaaladaas.

Kulanka kadib Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga taliya ay isku afgarteen in la keeno Ciidamada AMISOM,kuwaas  oo Maantaba tegaya Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo Doorasho xor iyo Xalaal ah.

Warar kol hore soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Hoggaanka Ahlusunna ee Gacanta ku hayay Magalada Dhuusamareeb ay diideen in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo Magalada Dhuusamareeb,waxaana la ogeen go’aanka ay qaadan doonaan maadaama Maanta Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Ciidamo la geynayo Magalada Dhuusamareeb.