Ciidamo iyo Gaadiid dhuxul sida oo lagu weeraray Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno Tuulada Doonka ee u dhow dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa waxa ay sheegayaan in weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo dhuxul siday, kuwaas oo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaan ayaa waxaa gelbinayay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya, hayeeshee la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen, waxaana halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray  Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in laba kamid ah Gaadiidka kuwa xamuulka qaada ah oo dhuxul sida uu ku dhacay Qorayga  baasuukaha ah, isla markaama ay gubteen lagana cabsi qabo inay ka dhashaan khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka balse aan goobta la tegi karon oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ilaalo ka haaya Gaadiidka Dhuxusha sida.

Dhowr jeer ayaa degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose saxaa lagu weeraray Gaadiid Dhuxul siday oo ay galbinayeen Ciidamo ka yirsan dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan lagu eedeeyaa inay falalkaas ka dambeeyaan Al-Shabaab.