Ciidamada Ciraaq ayaa qabsaday tuulooyin kala duwan iyaga oo dagaal ku ekeeyay goobtii u dambaysay ee ay ku xoog badan tahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka oo ah qaybo ka mid ah magaalada Mosul.
Boqolaal gawaarida milateriga ah oo gacan ka helaya duqaymo dhanka cirka ah ayaa ku jihaystay Axaddii goobo ay Dawladda Islaamku fariisimmo ku leeyihiin.
Horumarka ay ka sameeyeen Axaddii koonfurta magaalada Mosul ayaa u sahashay in ay meel durugsan ka weeraraan garoonka diyaaradaha, magaaladaasi ayaana ah midda labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq.
Waxaa walaac laga muujiyay ammaanka kumannaan shacab ah oo ku go’doonsan halkaas.
Weerarkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Axaddii Ra’iisalwasaaraha Ciraaaq Xaydar Al-Cabadi
Abdulamir Yarallah oo ka mid ah saraakiisha milatariga oo war qoraal ah soosaay ayaa sheegay in ciidammada gurmadka degdega ah ay qabsadeen tuulooyinka Athbah iyo Al-Lazzagah kuwaas oo ah labo tuulo oo ku yaalla koonfurta garoonka diyaaradaha ee Mosul.