Ciidamadda Dawladda oo Halwgallo dad badan lagu soo qabtay ka saameeyay Muqdisho

Three young men are led by a member of the Somali Police Force to a holding area with other civilians during an operation aimed at improving the security situation in the country's capital, Mogadishu, on May 21. AMISOM, in support of the Somali Police Force, last night cordoned off one square kilometer in the Wardhiigleey district of Mogadishu in an attempt to weed out members of the extremist group, al Shabaab. Many of the area's young men were temporarily detained by the SPF and then screened in order to determine whether they had any links to the group. AU UN IST PHOTO/ TOBIN JONES.

Ciidamadda Nabad Sugida  iyo kuwa militariga ee sida Booliska u Tababaran oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinkgobolka Banadir W, Waxana ay  ku soo qabteen xubno lagu Eedeeyay in ay ka Tirsaan yihiin Alshabaab iyo kooxo ka ganacsada  waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer kadib way sii daayeen dhallinayaradii la qabqabtay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo iney ka mid yihii Al-Shabaab iyo shan kale oo lagu qabtay iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalkan  ayaa Ciidamadu ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Hase ‘ahaatee’ Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay  ka wanaagsan sidii hore ka dib markii ciidamada dawladu halwgalo ka dhan ah Dadka falalka amni daro ka geysta Muqdisho ay ka sameeyeen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.