Ciidamada Xoogga oo dib ula wareegay deegaanka Ceel Cali Axmed ee G/Sh/Dhexe.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa ciidamada deegaanka ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Ceel Cali Axmed, oo maalmo ka hor ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka  dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.

 

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-shabaab ee ka howlgala deegaannadaas.

 

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo is aruursanayay, waxaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxdaas.

 

Maalmo ka hora yay aheyd markii maleeshiyaadka Al-shabaaba la wareegeen deegaanka Ceel- Cali Axmed, kadib markii dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

 

Gobolka SHabeelada Dhexe ayaa waxaa ka socda Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.