Ciidamo ka tirsan kuwa Soom aaliland ayaa waxaa la sheegay in dad gaaraya ila 17 ruux o ay ka kaxeysteen degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag ay geeyeen magaalada Ceeri-gaabo.
Dadklaas ayaa saraakiisha Ciidamada Soomaliland waxaa ay sheegeen inay kamid ahaayeen maleeshiyaad Ciidamada Soomaliland kula dagaalamay degaanka Shidan, kaidb markii ay isku qabsadeen macdan qodis ka socota degaankaas.
Dagaalka labada dhinac Malin ka hor ku dhex-maray degaanka shidan ayaa waxaa ku geeriyooday lix Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira shacab iyo Ciidamo.
Dadka ay ciidamada Soomaliland ka kaxeysteen degaanka Shidan ayaa waxaa lagu xiray saldhiga Booliska Magaalada ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag, iyada oo la sheegay in dadka qaarkood ay yihiin Shacab.
Degaan ka shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyaad waday macdan qodis, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.



