Ciidamada Somaliland oo la wareegay deegan ka tirsan gobolka Sanaag

Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay ku waramayaan in goordhow deegaanka Hadaaftimo ee gobolkaas ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland oo maalmahaan ku sugnaa meel aan ka fogeen deegaankaas.

Dadka deegaanka oo saakay banaanbax dhigayay ayaa mar qura waxa ay ka warheleen ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo ka tirsan kuwa Soomaaliland, kuwaas oo soo galay gudaha deegaanka Hadaaftimo.

Warkaan ayaa soo baxay barqadii Maanta,hayeeshee guddoomiyaha deegaanka Hadaaftimo ee Puntland Axmed Maxamed Cabdi oo la hadlay Risaala ayaa warkaasi beeniyey,waxaana uu sheegay in ciidamada Soomaaliland ay ku egyihiin deegaanka Yubbe ee Bariga Gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Ciidamo farabadan ayaa iyana waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Xingalool ee Gobalka Sanaag, waxaana taasi ay casbi ku beertay Shacabka ku nool Bariga Gobolka Sool.