Ciidamada Puntland oo xirxiray dad dhuxul shidayay

Howlgal uu Hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo qaatay in ia Badan dhowr iyo Tobn Saacadood ayaa laga fuliyay Degaano hoostaga Degmada Isku-shuban Ee Gobolka Bari, kuwaas oo lagula dagaalamyey Kooxo ka Ganacsada Jarista Dhirta kana Sameeya Dhuxusha.

Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay Goobo ay dhuxusha lagu shidi jiray, kaddib Cabashooyin badan uga yimi Dadka degaanka, waxaana howlgalka siwadajir u fuliyay Booliska Gobolka bari & Ciidamada Madaxtooyada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Sheegay in Howlgalkaas Ciidanka  ay ku Guuleesteen Dhamaantood, isaga oo uga  digay kuwa markasta Jara Dhirta, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan hadii aysan joojin.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay digniin kasoo saartay jarista dhirta oo dhuxusha laga sameeyo dalka qaarkood laga dhoofiyo, waxaana meelo kamid ah gobolka Mudug ka dhacay dagaalo salka ku haaya shidista dhuxusha.