Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ku teedsan buuraha Cal Madow ee gobolka Bari.
Ciidamada oo qaarkood watay Gaadiidka dagaalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in sigaar ah howlgalka looga fuliyay buuraleyda Mariidle,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab wallow aysan sheegin tirada rasmiga ah iyo waxyaabaha kale oo ay howlgalkaas kusoo qabteen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilligii ay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka puntland howlgalka wadeen uu dagaal kooban dhex-maray xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aan la xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Deegaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa lagu tiriyaa inay ku sugan yihiin Xubno ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish,kuwaas oo mararka qaarkood weeraro ay ka geystaan Magaalooyin kamid ah Maamulka Puntland.



