Ciidamada Puntland oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyey

Ciidamada Nabadsugida Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano Buuraley ah oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay howlgalka ka fuliyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada Durduri iyo Ceelaayo ee Gobolka Sanaag Dowlad Goboleedka Puntland.

Saraakiisha howlgalka horkaceysey ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagula soconayey dhaq dhaqaaqyada Xubno ka tirsan Al-Shabaab ka wadaan Buuraha Calmadow.

Ciidamada PSF waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay hawlgallo amni sugid ah ka sameeyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada Durduri iyo Ceelaayo,waana kuwo laguna soconaayo dhaq dhaqaaqyada cadawga ayaa lagu yri War kasoo baxey Taliska Nabadsugida Puntland.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas oo ay sheegeen in uu yahay mid si joogto ah looga fuliyo deegannada Puntland.