Ciidamada Puntland & Daacish oo markale dagaalamay

Waxaa Maanta markale ku dagaalamay Deegaanka Timirshe oo katirsan degmada iskushuban ee gobolka Bari Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ee PSF iyo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Dagaalka oo shalay bilaawday ayaa yimid kadib markii Ciidamada Puntland oo ka tegay Magaalada Boosaaso ay howlgal ugu baxeen degaanka Timirshe ee Buuraha Calamadow, waxaana Maalintii labaad hallaas ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Mid kamid ah dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka Maanta uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalka Maalintii labaad degaano ka tirsan Gobolka Bari ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaano hoostaga Magaalada Boosaaso.