Ciidamada NISA oo howlgal gaar ah fuliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ee Duufaan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sigar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in dhowr jeer ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada degmada Beled-Xaawo.

Nisa, Qeybta Howlgalada Gaar Ah Fuliya ee Duufaan, oo Shalay Soo Gaaray Degmada Baladxaawo Ayaa Howlgalo Lagu Xaqiijinayo Amniga Ka Sameyeen, Deegaano Hoos Yimaado Degmada Baladxaawo,

Taliyaha Ciidamada Howlgelinta NiSA ee Jubbaland, Bakaal Kooke iyo Taliyaha Ciidanka Nisa Qeybta Duufaan Taliye iidoow oo howlgalka hoggaaminaya ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen degaannada ay tageen, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay hadalkoosa intaasi ku dareen inay howlgallada sii socon dilaa ila iyo inta degaannada hoostaga degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo laga saarayo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka Ciidamada NISA ka fuliyeen degaannada hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan degaano u dhaxeeyo degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaareey uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.