Ciidamada Nabad Suggida maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaari Caasi ah oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.
Gaarigaasi ayaa waxaa lagu qabtay Wadada u dhexeysa degaanka Xaranbuure iyo sidoo kale degmada Caabudwaaq ee dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale Galmudug ayaa gacanta ku dhigtay labo qof oo la sheegay in ay wadeen Gaariga la qabtay .
Saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in Gaarigaasi uu ku jeeday degmada Caabudwaaq.


