Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo maanta ka soo ruqaansaday Magaalo difaaceedka Koonfurta Gobolka mudug ee Wisil ayaa galabtay la wareegay deegaano dhaca Koonfurta Gobolkaasi.
Ciidamada ayaa gaaray Deegaanada Xawaal xasan cade,Cilaamad, Bohosha iyo deegaano kale oo hoos yimaada Bacadweyne.
Saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadayaan qorshaha howgalka Al-Shabaab looga saarayo degaannadw Galmudug.



