Ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaano la wareegay

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla magalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey deegaano hoos yimaada magaaladaas, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar tagaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen degaannada kala ah, Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeeleey, iyada oo inta uu howlgalka socday aysan jirin wax dagaal ah oo ay la galeen Al-Shabaab.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yihiin.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in u jeedkooda uu ahaa inay ka hortagaan weerarada ay Bisha Ramadaan geystaan Al-Shabaab iyo inay dadka Shacabka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya inay tahay Sako waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada dowladda waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab weeraro kasoo qaadi jireen lana wareegeen, hayeeshee markii dambe ay dib uga soo baxeen.