Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad ayaa waxay howlgalo ka sameeyeen tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur qiyaas 20-Km dhanka Galbeed kaga began, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa kamid ahaa degaannada Eedanow iyo Ceelahaley oo Al-Shabaab ay maamuli jireen, balse howlgalka lagula wareegay

Howlgalka Ciidamadda waxa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9aad qeybta 60aad Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq iyo Taliye ururka 91-aad guutada 9-aad Maxamed Sankuusow, wuxuuna sheegay inay Al-Shabaab degaannadaas usaga baxeen.

Wuxuu taliyaha hadalkiisa uu intaasi kudaray in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada laga fulinayo degaannada hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool au ku dhow dhay inay la wareegaan Al-Shabaab.