Ciidamada dowladda oo xiray wadooyinka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, sababo ku aadan xuska 26-ka Juun oo ah markii Calan Soomaaliyeed oo xur ah laga taago gayiga Soomaaliya, waxaana la qabanayaa Munaasabado maalintan loogu dabaal degayo.

Isu socodka wadooyinka Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa kala xaniban, waxaana wadooyinka Magaalada dhan la soo dhoobay ciidan, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa shacab aad u fara badan, kuwaasi oo ka hayaamay goobohooda shaqo, lugeynayana wadooyinka, iyaga oo wata agab culus, una hooyanaya meelo fog-fog.

Shacabka Muqdisho qaarkood oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in wax aad looga xumaado ay tahay in wadooyinka ay dowladda xirato, iyada oo aan shacabka la ogeysiin.

Dadka reer Muqdisho ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan, maadaama inta badan ay dhacdo in ciidamada dowladda ay xiraan wadooyinka, marka ay Madaxda meelo booqanayaan ama safaro dhanka dibadda ah aadayaan.