Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan & howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay deegaanka malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolkaasi,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay howlgalka ka wadaan deegaannada Al-Shabaab kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada Dowladda ayaa shalay la wareegay degmada Aw-dheegle iyo deegaanno hoos yimaada oo ay mudo dhowr sano ah ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.



