Ciidamada Dowladda oo dilay Darawal Gaari & faah faahin kasoo baxeysa

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa Darawal gaari waxaa ay Maanta ku dileen degaanka Warmaxan oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Darawalka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay Fanax ayaa wade ka ahaa gaari Laan-garuusal ah oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kaas oo ku wajahnaa degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in sababaha dilka darawalka ay ka dambeeysay, kadib markii Ciidamada Milalteriga ee Barta Koontorool ku leh degaanka Warmaxan & isaga ay ku murmeen lacag ay Ciidamada goobta uga qaadaan Gaadiidka, isla markaana dhowr xabadood ay ku dhufteen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Warmaxan ay gacanta ku dhigeen laba askari oo la sheegay inay dilkaasi ka dambeeyeen, kuwaas oo la geeyay Saldhiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Ciidamada dowladda waxaa ay sibareer ah u dilaan Darawalada gaadiidka oo ay kamid tahay Mooto Bajaajta, waxaana jirtay in askar badan loo maxkamaddeeyay kuwana ay xiran yihiin.