Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degmada Galcad

Ciidanka kumaandooska danab iyo ciidanka gor gor ee xoogga dalka Soomaliyeed ayaa maanta lawareegay degmada galcad ee katirsan gobalka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ee dowlad Goboleedka Galnudug.

Ciidamada ayaa dhoowr jiha kagalay magalada
Galacad , waxana ay kusameeyeen baaritaano si loo xaqiijiyo amniga degmada , sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ,Gen Odawaa yuusuf raage .

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Galcad ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda degmada Galcad ay tahay mid degan.

Badi dadkii deganaa degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa isaga baxay kadib markii ay ku amreen Al-Shabaab, waxaana hadda howlgallo amni xaqiijin ah ka wada Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka.

Degmada Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee Gobolka Galgaduud ayaa dhowr bilood ka hor markii Ciidamada dowladda la wareegeen waxaa ka dhacay weerar qaraxyo ku billaawday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaas oo uu ku geeriyooday talihii Ciidanka DANAB Xasan Tuure, taas oo keentay inay Ciidamada dowladda isaga baxaan.