Ciidamada dowladda oo baadi goobaya maleeshiyaad dil geystay

Cutubyo ka tirsan¬† Ciidamada Guutada 15aad qaybta 21’aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kuraad jooga malishiyaad qof Shacaba ahaa¬† ku dilay Dagmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud Sababo laxariira Aano Qabiil.

Ciidamada ayaa la kaashanaya soo qabashada Gacan ku dhiiglayashaasha Taliska Booliska Dagmada Guriceel oo qayb ka ah Howgalka Soo qabashada Ragaas dilka fuliyey,sida ay risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalak Soomaaliyeed ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka la baadi goobayo ayaa saakay waxaa ay qof Shacab ahaa ku dileen xaafad lagu Magacaabo Tuulo Gaban oo ka tirsan degmada guriceel, iyaga oo intaasi kadib sida la sheegay goobta ka baxsaday.

Dilkaan ka dhacay degmada Guriceel ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil,waxaana uu kusoo aadayaa xilli Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug.