Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,kadib markii rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ay weerareen koontorool ay halkaasi ku leeyihiin Ciidamada Dowladda.
Dagaal muddo kooban socday ayaa Goobjoogayaal sheegeen in Koontoroolka uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo raga hubeysan ee rasaasta ku furay,waxaana jira khasaaro soo gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah.
Mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay toogteen laba ka mid ah raggii rasaasta ku furay barta koontorool oo ay Ciidamada Dowaladda ku leeyihiin Seybiyaan,kuwaas oo doonayay inay si awood ah wadada ku maraan.
Dagaalkan ayaa daba socday,kadib markii Barqanimadii Maanta gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka Isgosyak Digfeer, kadib markii gaarigaas ay Ciidamada Amniga ka shakiyeen.
Xaalada Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta ka duwaneyd maalmihii la soo dhaafay oo amniga Magaalada uu ahaa mid wanaagsan,waxaana weerarka lagu qaaday koontoroolka ciidamada Dowladda ee seybiyaano mas’uuliyidiisa sheegtay Al-Shabaab.



