Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo isku fidiyay degaano & degmooyin katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa lasoo warinaya in haatan gudaha deegaankaas ay ka wadaan howlgalo miino baaris ah, maadama Al-Shabaab goobaha laga saaro uga tagaan miinooyin.

“Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jiho  ka weeraray Degmada Ruun-nirgood, waxa ayna ciidanku la wareegeen gacan ku geynta degmadan oo dhacda Xadka goballada Galgaduud iyo  Shabelaha dhexe. Ciidanka oo leh cudud xogan ayaa isku fidiyay dhulka howdka ah ee u dhaw degmada, Sidoo kale waxaa jira baaritaano gudaha magalada ay ka Wadaan ciidanku” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Dhinaca kale Ciidamada Macaawisleyda ee ku suganaa Degmada Al-kowsar iyo deegaanka Daaru-nicma ayaa Howlgal culus ka sameeyay Degaanka Ceelbacad ee Gobalka Shabeellaha dhaxe, halkaas oo mararka qaar ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyaan Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab.