Gedo-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal kula waregay fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolka Gedo.
Dagaalkan dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen dagaalkaasi in ay kula wareegeen fariisimo Shabaab ay lahaayeen iyo Agab Millitari.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaano 30-KM ujira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Faarax Maxamed Turbac oo ah sarkaalka hoggaaminayay Dagaalka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Dagaalka in ay qaadeen xilli habeen ah, halkaasina ay ku baacsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.


