Ciidamada Dawlada oo la wareegay degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Ka dib Weerar  ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ku qaadeen  Goobo ay ku sugnaayeen xubno  tirsan Al shabaab ayaa waxaa ay la wareegeen fariisimha Alshabaab ay ku lahaateen Dhulka Haowd ah oo ku taalla gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Weerarkaas uu dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay iney cagta mariyeen goobihii gabaadka u ahaa Al shabaab, kadib markii heleen xogta Rafaasi Alshabaab ka tirsan oo isku uruursaneysa aaggaas.