Munaasabadda lagu xusayey 46-sano guuradii kasoo wareegatay aas aaska ciidamada asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta taliska ciidamada asluubta ee muqdisho waxaa ka qeyb galay raiisul wasaare sharmaarke, wasiirka cadaaladda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakiil kala mataleysay nabad sugida, militariga, iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Waxaa madasha lagu soo bandhigay taariiqda ciidamadda asluubta iyo howlaha muhiimka ah oo ay dalka u hayaan kuwaas oo ay qeyb ka yihiin daryeelka maxaabiista iyo ka qeyb qaadashada badbaadinta ubadka iyada oo hada talisku uu gacanta ku hayo caruur badan oo horey darbi jiif u ahaa balse hada heysta nolol iyo waxbarasho.
Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo madasha kahadlay ayaa xusay in hada talisku uu ku howlan yahay fulinta mashruucyo dhowr ah oo waxtar u leh maxaabiista iyaga oo kaashanaya hay’adaha garsoorka dalka iyo dowlado caalami ah.
Wasiirka cadaalada xeer ilaaliyaha guud ee qaranka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka iyo saraakiil kale oo madasha kahadlay ayaa amaanay howsha taliska ciidamada asluubta oo uu hormuud u yahay sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo lagu amaanay isbedelka uu sameeyey mudadii uu shaqeynayey.
Raiisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dhagax dhigay dhismo cusub oo laga hirgalinayo xarunta taliska asluubta ayaa gaba gabadii hadlay isagoo sheegay in talaabo muhiim ah ay tahay hirgalinta mashaariicdaasi oo ay kaalin ka qaadanayaan dowlado caalami ah.
Ciidamada asluubta ayaa daryeel iyo dhaqan celin u sameeya dadka geysta fal dambiyeedyada ee ku xiran xabsiyada.


