Ciidamada ammaanka oo weli la dagaalamaya kooxda weerartay Xabsiga Godka Jilicow.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli la dagaalamaya xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo waaweyn ayaa sababay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad isugu jira askar iyo shacab, inkasta oo aan weli la hayn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Rasaas culus ayaa weli laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka xabsiga Godka Jilicow, halkaas oo ay ciidamada ammaanku ku dadaalayaan inay si buuxda u xakameeyaan xaaladda.

Masuuliyiinta ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda iyo tirada dhimashada ama dhaawaca, hase yeeshee howlgalka nadiifinta xarunta ayaa wali socda.