Ciidamada ammaanka oo toogtay nin Toorey ku dilay qof shacab ah

Garasbaaley-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waaxda Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee deegaanka Garasbaaley, Ciidamada ammaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta deegaankaasi waxa ay ku toogteen nin Toorey watay oo qof shacab ah dilay.

Ninka Tooreyda sitay oo dadka deegaanka ay sheegeen in Madaxda looga jiray ayaa markii hore qof shacab ah ku dilay Tabeellaha Sheekh Ibraahim, intaasi kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka, si ay ula socdaan xaalada dhabta ah.

Ciidamada ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay ninkii ku hubeysnaa Tooreyda ku amreen in Tooreyda uu soo wareejiyo, balse wuu ka dhega adeegay, wuxuuna ku dhaawacay Askari ka tirsan ciidamada ammaanka, taasi oo ugu dambeyn qasabtay in la toogto.

Maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay warkan, waxayna tilmaameen in halkaasi ay ka dhalatay dhimashada laba qof, hadana xaalada ay tahay mid degan.