Ciidamada ammaanka oo caawa Baydhabo ku qabtay Shabaab hubeysan

Baydhabo-RisaalaFM- Ciidan uu hoggaaminayay taliyaha booliska degmada Baydhabo ayaa caawa magaaladaasi ku qabtay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku hubeysnaa bastoolado.

Hawlgalka raggan lagu soo qabtay ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla xaafada Horseed ee degmada Baydhabo.

Raggan la soo qabtay ayaa isla caawa waxaa la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah.

Taliyaha booliska degmada Baydhabo oo gacanta ku dhigay raggan ayaa sheegay inay maleegayeen xilligii la soo qabanayay falal ka baxsan ammaanka, wuxuuna tilmaamay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib wada shaqeyn ay ka heleen bulshada.

Laba ka tirsanaa Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe qaraxyo ismiidaamin ah ku weeraray laba maqaaxi oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, waxayna qaraxyadaasi geysteen khasaare kala duwan.