Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Adxaa u diray dhamaan dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Guud ahaan Umadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka Caalamka iyo Gobolada dalka ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya in maanta ay u dagaaldegaan farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Al-ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda si weyn loogu soo dhaweyn doono xarunta dhexe ee Idaacadda oo ku taalla Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan agagaarka isgoyska Ceel-gaabta.
Dhageystayaasha Idaacadda ayaa waxaa loo diyaariyay Barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah, kuwaas oo ay bixinayaan shirkadaha saaxiibada la’ah Radio Risaala.
Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay waxa ay istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.


