Kubad sameeyaha reer Denmark Christian Eriksen qandaraaskiisa uu Tottenham kula jiro waxaa ka harsan 18-bilood mana muuqato rajo ku aadan heshiis cusub inuu saxiixo.
Sidaa darteed Spurs ayaa ku qasban marka uu xili cayaareedkan soo idlaado inay Christian Eriksen iska iibiso si uusan 18-bilood kadib si bilaash ah kaga tagin.
Haatan The Express waxay ogaatay in Christian Eriksen uu doortay ku biiritaanka naadiga Barcelona marka uu xili cayaareedkan soo idlaado asigoo rabo garoonka Camp Nou inuu waayihiisa cayaareed kasii wato.
Mauricio Pochettino wuxuu iska diidan inuu mustaqbalka Eriksen ka hadlo madaama cayaaryahan diidan yahay inuu heshiis dheer saxiixo sida ay sameeyeen saaxiibadiisa Harry Kane iyo Dele Alli inuu sameeyo wuu diiday midaasna waxay muujinee inuu Waqooyiga London isaga tagi doono dhamaadka xili cayaareedkan.
Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale saxiixa Eriksen xiiseeneyso balse xidigan isaga wuxuu doortay Barcelona sida la ogaaday asigoo xagaaga dambe gobolka Catalan ka hawl gali doono sida warbaahinta Ingiriiska xili hore si ogaaneyso.



