Chelsea Oo Lagu Garaacay Gurigeeda

Kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Chelsea ayaa guuldarro xanuun badan ay ku soo gaartay gurigooda ka dib markii ay guuldarro 2-1 kala kulmeen kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Crystal Palace, waxaana ay natiijadaan ka dhigan tahay in farqiga hogaanka ee Blues laga soo dhigay 7 dhibcood ka dib guushii ay Tottenham ka gaartay Burnley.

Ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac kubka ah Eden Hazard ayaa kulankii maanta dib ugu soo laabtay shaxda kooxda, halka Diego Costa uu isna ka soo kabsaday dhibaato uu cagta iyo canqowga ka qabay intii uu la joogay Spain, halka Victor Moses uu kulankii maanta dhaawac kubka ah ku seegay, waxaa booskiisa buuxiyay Pedro, halka Cesc Fabregas lagu soo bilaabay isagoo weerarka caawinayay Costa iyo Hazard.

Chelsea ayaana ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyagoo kubada iska heystay iyadoo Cesc Fabregas uu helayay kubad badan isagoo taagan khadka dhexe ee kooxda.

Waxaana ay Chelsea ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta, waxaana shabaqa ku hubsaday xiddiga khadka dhexe Cesc Fabregas.

Fabregas ayaa baas ku bilaabay weerarka iyadoo Eden Hazard uu ka tagay daafaca bidix ee Crystal Palace Joel Ward, waxaana uu kubada u celiyay Fabregas oo shabaqa ku taabtay.

Waxa ay aheyd goolkii ugu horeysay ee laga dhaliyo kooxda Palace muddo afar kulan ah.

Cesc Fabregas ayaa isna shabaqa soo taabtay kulankii seddexaad ee isku xiga ee horyaalka ee garoonka kooxdiisa markii ugu horeysay tan iyo bishii March 2010 markaasoo uu joogay Arsenal.

Hogaanka Chelsea ma noqonin mid sii waaray iyadoo Wilfried Zaha uu u barbareeyay Crystal Palace waxaana uu dhaliyay gool aad u dhameystir fiican.

Xigasho Laacib.net