Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa xukun culus oo ganaax ah ku soo rogay kooxda Chelsea waxaana laga ganaaxay in ay muddo laba xili suuq ah wax ciyaartoy ah la soo saxiixan karaan. Chelsea ayaa lagu helay in ay jabisay shariciyada FIFA ee kooxaha u yaala waxayna hadda Blues la kulantay ciqaabtii kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid lagu xukumay oo kale.
FIFA ayaa ku dhawaaqday go’aanka ay Chelsea ku ganaaxay kadib markii lagu soo cadeeyay danbiyo ay ka galeen sharciyada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxayna Chelsea suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka maqnaan doonaan tan iyo xagaaga 2020.
Sida war ka soo baxay FIFA lagu cadeeyay Chelsea ayaa lagu helay in ay jabisay sharciga suuqa kala iibsiga ciyaartoyda gaar ahaan qodobka 19 aad oo ay in ay diwaan galiyeen 29 ciyaartoy oo da’yar ah waxaana sidoo kale Blues lagu helay in ay jabiyeen qodobka 18 aad oo ah in ay laba ciyaartoy oo da’yar dheeraad ah diwaan galiyeen kuwaas oo inta badan amaah lagu darayay.
Ugu horayn Chelsea ayaan wax ciyaartoy cusub ah diwaan gashan karin suuqa xagaaga ee dhamaadka xil ciyaareedkan waxayna sidoo kale suuqa kala iibsiga ka maqnaan doonaan bisha January 2020 taas oo la micno ah in maamulka Stamford Bridge ayna wax ciyaartoy cusub ah heli karin labada xili suuq ee soo socda.
Xukunkan oo kale ayay FIFA hore ugu soo riday kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid kuwaas oo muddo laba xili suuq ah aan wax ciyaartoy cusub ah diwaan gashan karin, waana markii ugu horaysay ee ay FIFA xukun sidan u culus ku riday koox Premier league maadamaa oo ay waliba la socdaan ganaaxyo lacageed oo badan.



